Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Puntland oo kormeeray Goobihii la qarxiyey iyo Isbitaalka Gaalkacyo

$
0
0

Gaalkacyo (Puntland Post):- Madaxweynha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmihii ugu dambeeyey safaro shaqo ugu maqnaa waddamada Itoobiya, Turkiga iyo Jabuuti ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf kusoo dhoweeyey Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Eng Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Wasiirro, Xidhibaano, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo, saraakiisha kala duwan ee ciidanka, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo dadweyne kale oo tiro badan.

Soo dhoweyn ka dib Madaxweynaha iyo  Madaxdii kale ee Garoonka kusoo dhoweysey ayaa waxa ay si toos ah ugu  gudbeen isla markaana soo kormeereen suuqqa xero dayax, xarunta dawladda hoose ee degmada Gaalkacyo iyo cusbitalka guud ee magaalada Gaalkacyo oo uu dhowaan ka dhacay qarax is miidaamin ah oo kooxda sharwadayaasha al-shabaab ay la beegsadeen dad shacab ah oo ku ganacsanayey suuqaasi.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu soo booqday Cusbitalka GMC, halkaas oo lagu dabiibayo dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay suuqa xero dayax isla markaana Madaxweynuhu waxa  uu mid mid u waraystay dadkii wax-yeelladu kasoo gaadhey weerarkaasi bahalnimo.

Dhinacakale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa markii uu soo gaadhey hoyga uu ka deggan yahay magaalada Gaalkacyo waxa uu ka war-bixiyey safaradiisii shaqo ee uu ugu maqnaa waddamada Itoobiyada, Turkiga iyo Jabuuti isagoona sheegay in safarradaasi ay ahaayeen kuwo guul kusoo dhammaaday.

Madaxweynaha ayaa isagoo faah-faahin dheeraad ah ka bixinaya socdaalkiisa waxa uu tibaaxay  in ujeedka socdaalkiisu  uu salka ku hayey kor u qaadista kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, horumarinta Ganacsiga Puntland iyo xoojinta xiriirada ay dawladda Puntland la leedahay waddamada Soomaaliya daneeya.

Ugu dambayn Madaxweyna dawladda Puntland ayaa ka jawaabey hadal kasoo yeeray Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamayey in ay Puntland ka kooban tahay labo gobol iyo bar, hadalkaas ayuu  Madaxweynaha dawladda Puntland ku tilmaamay mid aanu ka fiirsan Madaxweyne Xasan isla markaana uu muujinayo aqoon darrada ka haysata Madaxweynaha dawladda Federaalka guud ahaan gobollada  dalka Soomaaliya, gaar ahaana Puntland.

“Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh uu idaacadaha ka yiri ee ah Puntland waa labo gobol iyo bar waxa uu muujinayaa aqoon yarida  ka haysata  dalka, Puntland hadalka  Xasan Sheekh ku yaraan mayso kuna weynaan mayso,  waxaana  lagu aas-aasay Puntland shan gobol iyo degmada Buuhoodle, maantana Puntland waa sagaal gobol”. ayuu yiri Madaxweyne Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

 

IMG_4772 IMG_4774 IMG_4777 IMG_4780 IMG_4782 IMG_4788 IMG_4789 IMG_4794 IMG_4795 IMG_4802 IMG_4804 IMG_4807 IMG_4808 IMG_4812 IMG_4818 IMG_4819 IMG_4821 IMG_4823 IMG_4825 IMG_4827 IMG_4828 IMG_4831 IMG_4833 IMG_4835 IMG_4836 IMG_4839 IMG_4842 IMG_4843 IMG_4844 IMG_4845 IMG_4846 IMG_4847 IMG_4848 IMG_4849 IMG_4851 IMG_4859 IMG_4863 IMG_4865 IMG_4867 IMG_4869 IMG_4871 IMG_4872 IMG_4873 IMG_4876 IMG_4877 IMG_4878 IMG_4880 IMG_4882 IMG_4884 IMG_4886 IMG_4888 IMG_4892 IMG_4893 IMG_4895 IMG_4896 IMG_4899 IMG_4907 IMG_4910 IMG_4922 IMG_4925 IMG_4929 IMG_4931 IMG_4937 IMG_4945 IMG_4946 IMG_4961 IMG_4971 IMG_4972

The post Madaxweynaha Puntland oo kormeeray Goobihii la qarxiyey iyo Isbitaalka Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>