Xarunta PDRC ee magaalada Garowe ayaa maanta 06 June,2013 lagu qabtay kulan lagu daahfurayay Idaacada Puntland oo dhowaan madaxweynuhu si rasmi ah u furay.waxana ka soo qaybgalay Maamulka warbaahinta Puntland ,suxufiyiin kala duwan iyo marti sharaf kale.
Bilowgii kulanka ayaa waxa ka hadlay Agaasimaha guud ee warbaahinta dowlada Puntland Axmad Maxamed Cali ”Kismayo” oo sheegay inay maalmihii ugu danbeeyay ku hawlanaayeen diyaarinta iyo qoriska jadwalka idaacada iyo nidaamkii loo howl gali lahaa.
Wuxuna shaaca ka qaaday Axmad Kismayo in 08 June,2013 bilaabi doonaan si toos ah baahinta barnaamijyada idaacadda ,isagoona raaciyay inay diyaarsanyihin wariyaashii ka howl gali lahaa. ”Mowjada Radio Puntland laga dhagaysanayo maalintii waa SW1 24.4 Mitra-Band habeenkiina waxa laga dhagaysanayaa SW2 49 Mitra-Band,raadiyahaan waxa uu ku howlgalayaa siyaasada Puntland ,wuxuuna dhowrayaa amaanka,horumarka iyo danta guud ee shacabka Puntland”Ayuu yiri Kismayo.
Gudoomiyaha Machadka Gateway Tarabi Jaamac oo ka mid ahaa dadkii ka soo qayb galay munaasibada ayaa sheegay inay farxad galinayso in Puntland warbaahinteda si toos ah hawada u gasho,wuxuna sidoo kale kula dardaarmay mamulka iyo wariyaasha raadiyaha inay xogta si dhab ah oo dhamaystiran umadda ugu soo jeediyaan islamarkaassna aysan dhinac u xaglin.
Shacabka Puntland ayaa soo dhaweeyay warbaahinta ay dowlada Puntland yeelatay,sida uu sheegayna Agaasimaha warbaahinta waxaa lagu rajo waynyahay bil ka dib in hawada uu soo gali doono Telefishinka Puntland.
Daawo Sawiro Kale.
Puntlandpost.com
Garoowe.