Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Hay’ada USAID oo Dawlada Hoose ee Degmada Baargaal iyo Bulshada Deegaanka Ku wareejisay Dhismayaal Cusub iyo Qalab Xafiisyo (Sawiro)

$
0
0

Hay’ada dawlada maraykanka u qaabilsan kaalmada dibadda ee USAID ayaa maantay Dhismayaal iyo xafiisyo qalabaysan ku wareejisay maamulka Dawlada Hoose ee Degmada Baargaal iyo Bulshaada Deegaanka kuwaasi oo ay maal gelisay hay’ada USAID isla markaana ay fulisay hay’ada DAI.

DSC04117Munaasabad loo sameeyay wareejinta iyo Furitaanka dhismayaasha cusub iyo Qalabka kala duwan ee xafiisyada oo lagu qabtay xarunta Dhismaha Cusub ee Dawlada Hoose ayaa waxaa ka soo qayb gaalay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Axmed Maxamuud Yuusuf ( Axmed Guray ) ,Nabadoon Axmed Salaad C/raxmaan , ururka Hooyooyina , Ururka Dhaliyarada , ganacsato , Culamaaudiin iyo masuuliyiin ka kala socday hay’adaha DIA, USAID, iyo marti sharaf kale.
DSC03942Gudoomiyaha Degmada Baargaal Axmed Maxamuud Yuusuf ( Axmed Guray ) oo munaasabadaasi hadal ka jeediyay ayaa u mahad naqay hay’ada USAID wax-qabadka kala duwan ee ay soo gaarsiisay Bulshada Deegaanka , waxaanu tilmaamay in hay’ada USAID ay tahay hay’adii waxqabadka ugu badanaa soo gaarsiisa Bulshada Deegaanka

DSC03943Waxaanu intaasi ku daray gudoomiyuhu in hawlahan ay hay’ada USAID ka wado deegaanka ay wax badan ka caawin doonaan Bulshada Deegaanka dhinacyada aminiga , waxbarashada iyo caafimaadka maadaama ay mashaariicdan ay ku jiraan iskuulo , xarumo caafimaad ,xarumo dawladeed ,Wadooyin , iyo dhismayaal kale oo bulshadu u baahantahay waxaanu shaqaalaha Dawlada Hoose kula dar-daarmay in ay ilaaliyaan qalabkan loogu deeqay isla markaana ay sida loogu talo galay uga faa’iidaystaan.

DSC03964Waxaa kale oo Isna Kahadlay Munaasabadaas Mudane Axmed siciid Aw Nuur oo ka socday Hay’ada DIA , Asagoo warbixin Dheer oo ku saabsan Mashaariicdaas ka jeediyay madasha.

DSC03970Mudane Axmed siciid Nuur ayaa intaas ku daray in ay dadaal dheer u galeen sidii loo fulin lahaa mashaaricdaas , tan iyo markii looga dhawaaqay shirkii jabuuti ,ayadoo ay soo wajaheen caqabooyin badan sidii burcadii deegaanka ka jirtay iyo kuwo kale oo badan

DSC03973Waxaa Kale oo madasha lagu soo bandhigay barnaamajyo lagu wacyigalinaayo dhalinyarada deegaanka oo loogu muujinaayo ahamiyada ay leedahay aqoonta , anshaxa , iyo dhawritaanka sharciyada iyo dawladnimada iyo kala danbaynta , loogana digaayo dhibaatooyinka ay leedahay burcadbadeednimadu , oo halkudhigoodu ahaa “ qoriga dhig , qalinka qaado “

DSC03976Mashaariicda maantay lagu wareejiyay Bulshada Degmada Baargaal ayaa waxay ka koobnaayeen Dhisme cusub oo loo dhisay Dawlada Hoose iyo xafiisyadiisii oo si casri ah u qalabaysan , iyo sidoo kale iskuul sare iyo agabkiisii oo loo dhisay degmada baargaal , mid hoose dhexe oo loo dhisay qoraxaad iyo dayactir lagu sameeyay wadada Hoosi gaabo

Daawo Sawiro Kale

DSC03983 DSC03993 DSC04099 DSC04105 DSC04106 DSC04109 DSC04117 DSC04118 DSC04119 DSC04121 DSC04127

Maxamed ibraahim Axmed
Baargaal


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>