Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasiirka Deegaanka Puntland oo ka qaybgalay shirweynaha caalamiga ee biyaha Aduunka

$
0
0

Wasiirka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa magaalada Stockholm ee caasimada dalka Sweden uga qaybgalay shirweynaha caalamiga ah ee todobaadka Biyaha Aduunka kaas oo sanad walba l qabto iyadoo looga hadlo hormarinta biyaha iyo dhibaatooyinka biyo yarida ee aduunka, Iyadoona shirwaynahan sanadkan si gaar ah looga hadlayo xaalada biyaha Soomaaliya iyo Meelo kale oo ay ka jiraan dhibaatooyin culus oo dhanka biyaha kuwaas oo marar badan keena colaado iyo dhibaatooyin kale oo dabiici ah.

Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo shirkan uu ku casumay Bangiga aduunku waxaa uu ku matalayey dalka Soomaaliya waxaana shirkan ka qaybgalay in kabadan 2500 oo ergey oo isugu jiray daneeyayaasha hormarinta dhanka biyaha, wadamada caalamka mas’uuliyiin ka socotay, hay’adaha ka shaqeeya hormarka bulshada.

Wasiirka ayaa shirka ka jeediyey khudbad dheer oo ku saabsan xaalada biyaha ee guud ahaan Soomaaliya gaar ahaana dhulka Puntland isagoo ka sheekeeyey dadaalada ay wada Wasaarada Deegaanka ee Puntland oo mudooyinkii ugu danbeeyey ku howlanayd arimaha la tacaalida abaaraha iyadoo samaysay biyo xireeno waawayn kuwo kalena imika wada qorshihiisa kuwaas oo la doonayo inay ka faa’iidaystaan dadka Reer Guuraga ah.

Wasiir Cali Cabdullahi Warsame oo shirkaas markuu dhamaaday saxaafada gudaha la hadlay ayaa sheegey in shirkaasi uu kusoo dhamaaday jawi wanaagsan islamarkaasna dawlada Puntland ay ku heshay taageero caalami ah oo dhanka biyaha ah,

Sidoo kale Wasiirku wuxuu sheegey inuu la kulmay madaxda hay’ado kaladuwan iyo masuuliyiinta ugu saraysa Bangiga aduunka kuwaas oo balan qaaday inay balaarin doonaan mashaariicda dhanka Biyaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland.

 Cali Abdulaahi IMG-20160903-WA0023 IMG-20160903-WA0027 IMG-20160903-WA0022 IMG-20160903-WA0021 IMG-20160903-WA0014 IMG-20160903-WA0013 IMG-20160903-WA0009 IMG-20160903-WA0012 IMG-20160903-WA0019Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Deegaanka Puntland oo ka qaybgalay shirweynaha caalamiga ee biyaha Aduunka appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>