Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Maamulka Gobolka Sool oo ka hadlay rabshado maanta ka dhacay Laacsaano

$
0
0

LaaskaLaas-caano (Puntland Post):- Sadex qof ayaa ku dhimatay lix kalena waa ay ku dhaawacmeen iska-hor-imaad dhex Ciidamada Booliska Soomaaliland iyo dad caraysan oo k a dhacay Magaalada Laascaano ee xarunta Gobalka Sool.

Iska-hor-imaadkan ayaa ka dhashay kaddib markii ilaalada taliyaha qaybta booliska Somaliland ee gobalka Sool ay toogasho ku dileen dhallinyaro, taasoo keentay inuu dhasho kacdoon dadweyne oo khasaare xoogan geystay.

Saldhiga dhexe ee Magaalada Laascaano ee xarunta gobolka Sool ayaa gacanta u galay dableyda gadoodsan oo ay daba-socdaan shacab careysan waxaana halkaas ku dhintay laba askari, waxaana la gubay gaadiid saldhigga yaallay.

Gudoomiyaha Gobalka Sool ee Soomaaliland oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dabley hubaysan ay weerareen xarunta Taliska Qaybta ee Magaalada waxaana uu intaa ku daray in ciidamada Milatarigu ay gacanta ku dhigeen amaanka guud ee Magaalada xaaladuna ay tahay mid dagan.

Kacdoonkaan ayaa ahaa kii ugu balaarnaa oo ka dhaca Magaalada Laascaano ee xarunta Gobalka waxaana ay shacabku caro muujinayaan booliiska oo ay leeyihiin, waxay ka gaabiyeen wax ka qabashada ganacsato dhawr ah oo la laayey, illaa haddana aan wax hadal iyo wax ka qabad midna aanay ka arag.

1 2 3Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Maamulka Gobolka Sool oo ka hadlay rabshado maanta ka dhacay Laacsaano appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>