Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Shirka Madasha wadatashiga qaran oo Maanta Muqdisho ka furmaya

$
0
0

Muqdisho(Puntland post)-Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya uu ka furmo Shirka Madasha wadatashiga qaran ee hogaamiyaasha Soomaalida.

Shirkaani oo ah kii ugu dambeeyay ee Madashu ay yeelato ayaa lagu wadaa in looga hadlo Arimaha la xariira wixii qabsoomay  tan iyo wixii ka dambeeyay  shirkii hore ee madasha.

Sidoo kale madaxda soomaalida ayaa ka doodi doona qorshayaasha wali aan laga howl-galin iyo caqabadaha jira oo ay u suurta gali la’yihiin.

Shirkaan ayaa waxaa harayn doona sidoo kale arimaha la xariira Aqalka sare ee Dalka oo warar soo baxay ay sheegayaan in Buuq hor leh uu ka dhashay, Arimaha Musharixiinta iyo Xalinta Cabashda jirta.

Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka Ayaa lagu wadaa ina goordhow ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Somalia.

Shirkaan ayaa galinka dambe ee maanta si rasmi ah uga furmi doona Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post xafiiska Muqdisho

The post Shirka Madasha wadatashiga qaran oo Maanta Muqdisho ka furmaya appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles