Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

MUQDISHO: Shirkadda Yemen Airways oo dhawaan hawlo dulimaad ka bilaabi doonta Magaalada Muqdisho(Sawiro)

$
0
0

Muqdihso: (pp)- Kulan maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaalya ayaa waxaa looga wada hadlay arimo la xiriira sidii ay Shirkadda Duulimaadka Yemen hawlo duulimaad uga bilaabi lahay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, Kulankan oo dhex maray Wasiirka Warfaafinta iyo Gadiidka Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya Mudane C/llaahi Ciil-mooge Xirsi iyo Wakiilo ka socdey Shirkadda Diyaaradaha ee Yemen ayaa la isla gartay in shirkadaas hawlo dulimaad ka bilwdo Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

yem1

Wasiirka ayaa warbixin la xiriirta ujeedada ay u yimaadeen Magaalada Muqdisho ka dhagaystay waftigan ka socdey Shirkada Diyaaradaha ee Yemen, Waxayna sheegeen inay danaynayaan isku xir duulimaad oo ay ka bilaabaan Dalka Yemen iyo Dalka Soomaaliya oo ah labo dal oo deris ah, ayna dadkooda si aada iskugu gudbaan.

yem5

Mudane Ciil-Mooge oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu kulankoodu ku salaysnaa xiriir wanaagsan oo dhex mara Dalalkan Deriska ah ee Soomaaliya iyo Yemen wuxuuna sheegay inay Diyaarada Yemen hawlo duulimaad dhawaan ka bilaabo doonto Dalka Soomaaliya isagoo wax lagu farxo ku tilmaamay arintan, Sheegayna inay tahay arin ahmiyad weyn u leh Guud ahaan Dadka labada dhinac, wuxuuna sheegay inay arintani tahay mid taarikhi ah muujinaysana waaga cusub ee usoo ifaaya umadda Soomaaliyeed.

yem4

yem6

Ku-xigeenka Gudoomiyaha Shirkadda Yemen Airways Xusni Cali Xaydar ayaa isaguna si aada usoo dhaweeyey dulimaadka cusub ee ay ka bilaabayaan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay arintan go’aansadeen kadib markii ay arkeen xaalada Soomaaliya oo si aada isku badeshay ayna dib usoo noqonayso Dawladnimadii umadda Soomaaliyeed.

yem7

Isku soo wada duubo arintan ayaa qayb ka ah Beesha caalamka oo waayadii u dambaysay si aada u danaynaysay arimaha Soomaaliya kadib markii ay Soomaaliya u muuqatay mid dib cagaheeda iskugu taagaysa waxayna arimaha oo dhan rajo ku abuurayaan qalbigii angagay ee umadda Soomaaliyeed.

puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>