Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Maaliyada Puntland Cabdi Ibraahim Warsame Qawdhan oo ah Gudoomiyaha Gudi uu shalay Madaxweynaha Puntland u Magacaabay kasoo talo-bixinta Dhaqaalaha Puntland ayaa ka warbixiyey waxa ay qaban doonaan Guddigan loo Magacaabay arimaha dhaqaalaha Puntland, Wasiir Ku-xigeenka oo waraysi gaar ah siiyey Idaacada Gaalkacayo ayaa sheegay inay wax badan ka qaban doonaan arimaha dhaqaale ee Puntland.
Dhagayso:- Codka Wasiir Ku-xigeeka Maaliyada PL
Cabdi Qaawdhan ayaa tilmaamay Guddigan inuu ka kooban yahay qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Ganacsatad,Jaamacadaha,Culimada,Bulshada rayidka iyo Dawlada wuxuuna sheegay inay darsi donaan isla markaana ka talo-bixin doonaan sida ugu wanaagsan ee loo ilaalin karo dhaqaalaha Puntland, Gaar ahaan wuxuu sheegay inay si gaar ah xooga u saari doonaan saamaynta dhaqaalo xumada ka jirta Guud ahaan Caalamka iyo gaar ahaan Soomaaliya wuxuunta tilmaamay inay si dhow ula socon doonaan isbadelka Doollar iyo Hoos u dhaca laga dareemaayey maalmihii u dambeeyey.
Waxa uu tilmaamay inuu gudagani Maalinta isniinta ah ku kulmi doono Magaalada Garoowe iyagoo ka kala imaanaya Gobalada Dalka ayna kawada hadli doonaan shaqadooda ugu horaysa iyo sida loo samatabixin karo dhaqaalaha Puntland, wuxuu sheegay in iyaga ka gudi ahaan ay isku qaybin doonaan hawlaha looga baahan yahay inay qabtaan, wuxuuna shacabka gaar’ahaan Ganacsatada ugu baaqay inay la shaqeeyaan Guddigan si loo ilaasho dhaqaalaha inuusan God madow ka dhacin.
Wasiirka ayaa sheegay inay la tashiyo la samayn doonaan Rugta Ganacsiga Puntland oo uu Gudigan ku jiro Gudoomiyahooda iyo Ku-xigeenkooduba,Maadama ay iyagu si gaar ugu dhuun daloolaan Guud ahaan Ganacsiga Puntland, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey inay Salka u dhigi doonaan Ganacsiga Guud ee Puntland.
puntlandpost.com