Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Puntland oo u amba baxay magaalada Muqdisho

$
0
0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u amba baxay magaalada muqdisho, halkaas oo uu uga qayb geli doono shirka Madasha wadatashiga qaran oo noqonaya  shirkii ugu dambeeyey ee lagu dhammaystiri doono arrimaha la xiriira doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona bilaha soo socda.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusii sagootiye Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Wasiiro, xikdhibaano, saraakiisha ciidanka iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo warbaahinta kula hadlayey garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf ayaa sheegay in uu magaalada Muqdisho uga qayb geli doono shirka Madasha wadatashiga qaran, kaas oo lagu soo dhammaystiri doono arrimaha qabyada ka ah hannaanka doorashooyinka.

Ugu dambayn, Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay guud ahaan shacabka reer Puntland  meel walba oo ay joogaan in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka Puntland, kuwaas oo  oo habeen iyo dharaarba u heellan sugidda nabad-gelyada guud ee Puntland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo u amba baxay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>