Ra’isilwasaaraha Xukuumada Somalia Dr Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke Ayaa Goordhow ku Dhawaaqay in uu yahay musharax madaxweyne.
Ra’isilwasaare Cumar oo Goordhow Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa ayaa sheegay in uu gartay in uu isku Taago Qabashada Xilka Madaxtinimo ee Wadanka Somalia.
Ra’isilwasaaraha ayaa sheegay in uu rajeeynayo in umadda Soomaaliyeed uu u dhameeystiro Shaqooyin badan oo uu Dalka u qabanayo kuwaasi oo qabyo ah inta uu Ra’isilwasaare wadanka ka yahay.
Ra’isilwasaare Cumar ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in Ay ku taageeraan musharxnimadiisa islamarkaasina uu Soo bandhigi doono Waxqabad wanaagsan.
lasoco Faah faahin intaan ka badan Insha allah.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho
The post Ra’isilwasaaraha Somalia oo ku Dhawaaqay in uu yahay Musharax Madaxweyne appeared first on Puntland Post.