Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ganacsade qarax loogu xiray baabuurkiisa magaalada Muqdisho

$
0
0

Goordhow Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay Qarax Loogu xiray Gaarigiisa Mid kamid ah ganacsatada ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Jugta Qaraxa ayaa laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir Waxaana uu ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar Ahaan wadada Makka Al-Mukarama ee Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in Gaarigiisa loogu soo Xiray Ganacsade Xuseen Jaamici oo kamid ah Ganacsatada ugu caansan Muqdisho.

Ganacsade Xuseen Jaamici Ayaa dhaawac ka soo Gaaray Qaraxaasi kaasi oo Dhaawiciisa hadda lagu dabeebayo Mid kamid ah Magaalada Muqdisho.

Ciidamo katisan kuwo Amaanka Dowlada Somalia ayaa Gaaray Goobta qaraxa uu ka dhacay kuwaasi oo hakad Galiyay isku socodka Gaadiidka iyo Dadka ee wadadaasi.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdi Fitaax Xalane oo Warbaahinta kula hadlay halka uu Qaraxa ka dhacay Ayaa Faah Faahiyay Qaraxaasi.

1 2 3 4

Hoos ka dhageyso Codka Afhayeenka Gobolka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Ganacsade qarax loogu xiray baabuurkiisa magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>