Muqdisho (Puntland Post):- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya mudane Cali Axmed Jaamac “jingali” oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa sheegay in si kumeel gaar ah dowladda Soomaaliya u hakisay duulimaadyadii diyaaradaha qaadka ka keeni jiray dalka Kenya.
Wasiir Jingali ayaa xusay in maalintii shalay Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya uu wargalin gaarsiiyay shirkadaha diyaaradaha kuna wargaliyay laga billaabo maalinta barito oo ay taariikhdu ku beegantahay 06 Sep 2016 hakad la galiyay diyaaradaha qaadka ee ka yimaada dalka Kenya.
Mudane Jingali ayaan faahfaahin ka bixin sababaha dowladda Soomaaliya ay Go’aankaan u qaadatay, isagoo meesha ka saaray Su’aal ay SONNA ka weydiisay in Shir Madaxeedka IGAD ee 10-ka bishaan ka furmaya magaalada Muqdisho aysan arrintan wax lug ah ku lahayn.
Sidoo kale wuxuu sheegay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya inuu saameyn doono go,aankan dhammaan Hawada Soomaaliya, Islamarkaana tallaabo adag laga qaadi doono ciddii ku xadgudubta.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Soomaaliya oo laga joojiyay Duulimaadkii Qaadka Dalka Kenya appeared first on Puntland Post.