Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Iskuulka KAALO WOMEN oo 17 haween ah qalab ku gudoonsiiyay Garowe

$
0
0

Dugsiga Farsamada Gacanta KAALO WOMEN CENTER  oo ku yaala magaalada Garowe ayaa maanta gudoonsiiyay ardey dhamaysatay xirfadaha kala ah barashada tolniinka dharka iyo Qurxinta dumarka qalab loogu tala-galay ka dib markii ay lix bilood baranayeen waxbarasho la xiriirta xirfadaha gaagaaban ee farsamada gacanta.

Ardeydan oo ahaa 17 haween ah ayaa mid walba waxaa la gudoonsiiyay qalab ay ka mid yihiin makiinadaha dharka lagu tosho iyo qalabka qurxinta dumarka loo isticmaalo , Waxaana ka taageeray Iskuulka KAALO WOMEN CENTER barnaamijkan hay,adda World Vision.

Maxamed Khaliif Cawil oo ah maamulaha KAALLO WOMEN CENTER ayaa kula taliyay haweenka dhamaystay xirfada ee la gudoonsiiyay qalabka inay samaystaan hal goob oo ay si wada jir ah uga  faa,iideystaan wixii la baray iyo qalabka la siiyay.

Waxaa uu sheegay maamulka KAALO  inay tahay dufcadii shanaad oo Iskuulka ka dhameeya waxbarasho la xiriirta xirfadda gacanta Islamarkaana la siiyo qalab loogu tala-galay inay ku shaqeystaan.

KAALO WOMEN CENTER ayaa ah xarun lagu barto xirfadaha gacanta , waxaana laga asaasay Garowe sanadkii 1994-tii .

20160905_141318 20160905_141538 20160905_142521 20160905_142557 20160905_143031 20160905_152318 20160905_160737 20160905_162549 20160905_162456 20160905_162324 20160905_162445 20160905_162433 20160905_162536 20160905_164239 20160905_164326 20160905_164029Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Iskuulka KAALO WOMEN oo 17 haween ah qalab ku gudoonsiiyay Garowe appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles