Afhayeenka Madaxtooyadda Puntland Quraan jecel oo caawa la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegey inaanu qusayn go,aanka dowlada federalka Soomaaliya ku hakisay duulimaadka diyaaradihii qaadka ka keeni jiray dalka Kenya.
Waxa uu sheegey Quraan-jecel in garoomada diyaaradaha Puntland u furan yihiin Ganacsatada Qaadka iyo Kuwa kaleba, Islamarkaana aanu qusayn go,aanka maanta kazoo baxay Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Dowlada Somalia.
Quraan-jecel ayaa sheegey ka hor inta aysan go,aan gaarin Wasaaradda Duuliska Hawada Soomaaliya in looga baahnaa inay arrintan kala tashato maamulada dalka ka jira, balse ay baal martay midaas.
Hadalka kazoo yeeray caawa Afhayeenka Madaxtooyadda Puntland ayaa imaanaya ka dib markii uu shaaciyay Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Axmed Jaamac Jangali in si kumeel gaar ah loo hakiyey diyaaradihii jaadka keeni jiray .
Dhagayso Afhayeen Quraan-jecel.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Puntland oo ka hortimid amarkii lagu joojiyay Duulimaadka Jaadka Kenya appeared first on Puntland Post.