Gaalkacyo (Puntland Post):- Ku dhawaad shan iyo toban ruux (15) ayaa ku dhimatay dagaal saacado badan ka socday deegaanno bariga ka xigga magaalada Gaalkacyo oo xarun u ah gobolka Mudug ka dib markii uu shalay ka qarxay dagaal u dhaxeeya xoolo dhaqato kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.
Dagaalkan ayaa la sheegay inay ka qayb galeen ciidamo labada dhinac ka socda, waxaana la geeyay Isbitaallada ku yaalla waqooyiga iyo koonfurta Gaalkacyo dhaawacyo badan oo qiyaastii gaaraya soddon ruux,sida ay u xaqiijiyeen Puntlandpost saarakiisha caafimaadku.
Baraha bulshada ayaa lagu arkayaa sawiro lagu baahiyay oo muujinaya meydadka rag xiran dareyska ciidamada milatariga dowladda faderaalka, kuwaas oo la sheegay inay ka mid ahaayeen,ciidankii weerarka ku qaaday xoolo dhaqatada kasoo jeeda Puntland.
Xiisad dagaal ayaa wali ka taagan deegaannadii lagu dagaallamay,waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in gurmad ciidan uu soo gaaray dhinacyada dagaallamay.
Ma jirto cid isku dayday qaboojinta xiisadan, waxaana laga dareemaya xarunta gobolka Mudug abuul ciidan oo labada dhinac ah,kuwaaso doonaya inay xoojiyaan dagaalka shalay ka dhacay bariga gobolkaas
Maamullada Puntland iyo Galmudug oo ay ku abtirsadaan dadka dagaallamay wali kama aysan hadlin dagaalka ka dhacaya miyiga gobolka oo ah kuwo soo noq noqday .
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Dhimashada dagaal ka dhacay bariga gobolka Mudug oo siyaaday appeared first on Puntland Post.