Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay sababta ay u hakisay qaadki ka imaanjiray dalka Kenya iyadoo arrintaasi sabab uga dhigtay booqashii uu guddoomiyaha gobolka Meru Peter Munya uu ku tagay Magaalada Hargeysa.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Xasan oo wareysi siiyay Wargeyska Daily Naition ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in booqashadii Mr Munya ee Hargeysa uu ku tagay bishii July ee sanadkan ay sababtay in dowladda Soomaaliya ay hakiso ganacsigii qaadka ee ka imaanjiray dalka Kenya.
“Waxa jira in ay faragelin ku sameeyeen jiritaanka soohdimaha dalka ganacsiga Miraa waxey fara gelin ku sameeyaan arrimaha gudaha ee dalka,” ayuu u sheegay Danjire Jamal wargeyska Daily Nation.
“Tani waxa ay abuurtay in dowladdu ay hakiso qaadki ka imaan jiray Kenya iyadoo cadaadis iyo ganaax uga dhigaysa ganacsatada qaadka Meru” ayuu yiri.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Axaddi in ay joojisay qaadkii ka imaanjiray dalka Kenya, in kastoo uu shalay ka dagay Puntland iyo Somaliland.
Bishi July ayuu Mr Munya waxa uu u safray magaalada Hargeysa, si uu u qalqaaliyo xeerarka ganacsiga ee ku wajahan dhoofinta qaadka iyadoo dalka Kenya ay bixineyso beddelkeeda nooc ka mid ah aqoonsiga Somaliland.
PUNTLAND POST
The post Dowladda Somalia oo ka hadashay sababta ay u hakisay qaadka Kenya appeared first on Puntland Post.