Iyadoo shalay Madaxweynaha dowladda Federaalka Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu Xarunta Madaxtooyada Somaliya si rasmi ah uga furay shirka Madasha Hoggaanka Qaran oo u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka Somaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa waxa uu maanta galay maalintii labaad.
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo furitaanka shirkan ka hadlay ayaa sheegay in waxyaabaha ugu badan ee ilaa iyo hada shirka diirada lagu saaray ay ka mid yihiin Dhaqangelinta Doorashoooyinka oo la filayo in ay si nabad gelyo ah ay ku dhacaan iyo sidii loo sugi lahaa amniga.
Madasha Qaran ayaa sidoo kale waxa ay ka hadlayaan arimo ay ka mid yihiin Turxaan bixinta Golaha Sare ee Baarlamanka, sidii tabashooyinka loo yarayn lahaa, Maqaamka Magaalada Muqdisho oo xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran weli aysan si toos ah u cadeynin iyo arimo kale oo la xiriira Doorashada.
Dowladda Federaalka Somaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka ayaa xalay kulamo gaar gaar ah waxa ay ku yeesheen xarunta Madaxtooyada Somaliya, iyagoo si gaar ah u falanqeeyay Qodobo yar yar oo mad madow uu ku jiray.
Shirka Hoggaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ayaa la filayaa in maanta lagu soo gaba gabeeyo Magaalada Muqdisho, sidoo kalena War-murtiyeed laga soo saaro.
PUNTLAND POST
The post Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo galay maalintii labaad appeared first on Puntland Post.