Garowe(Puntland Post):- Waxaa maanta gabi,ahaanba aan kazoo degin garoomada Diyaaradaha Puntland diyaaradihii qaadka ka keeni jiray dalka Kenya ka dib go,aankii ay soo saartay 05 Setember 2016 Wasaaradda Duulista Hawada Soomaaliya oo shalay aan si rasmiya uga hirgalin Puntland iyo Somaliland Balse taas bedelkeeda aad moodo maanta inuu ka dhaqan galay Puntland.
Waxaa maanta yimid magaalooyinka Puntland Jaad lagu soo raray baabuur oo diyaarad ka timid dalka Kenya ay kazoo dejisay Garoonka Diyaaradaha magaalada Laas-caano oo uu gacanta ku hayo maamulka Somaliland.
Guud ahaan goobaha qaadka lagu iibiyo ee magaalooyinka Puntland ayaa si weyn looga dareemayaa saamaynta uu ku yeeshay go,aankii kasoo baxay Dowlada Federalka Soomaaliya ka dib markii aysan maanta kasoo degin garoomada Gaalkacyo iyo Qardho diyaaradaha Kenya ka keena qaadka .
Qaar ka mid ah ganacsatada qaadka oo la hadlay Puntland Post waxay u xaqiijiyeen in beri oo ku beegan 08 setemper 2016 uu si rasmiya uga dhaqan-galayo guud ahaan dalka Soomaaliya go,aankii ay soo saartay Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Islamarkaana ay maanta ugu danbeyso jaadka Kenya ay kasoo dejisay mid ka mid ah garoomada Somaliland maamusho.
Puntland iyo Somaliland oo ka hor yimid go,aankan waxa muuqanaysa inay ku guul dareysteen diidmadooda haddii uu maalinta beri ah guud ahaan dalka ka dhaqan galo go,aanka horey uga soo baxay dowlada Soomaaliya, oo durba saamayn ku yeeshay Gobolada ay maamusho Puntland , kuwa bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Garoomada Puntland oo aan jaad kazoo degin maanta appeared first on Puntland Post.