Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Qandaraaska dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo oo la shaaciyay

$
0
0

Hay,adda Wadooyinka Puntland ayaa maanta oo ay taariikhda bishu tahay 07 Setemper 2016 si rasmiya u shaacisay Qandaraaska dib loogu dhisayo laamiga dheer ee isku xira magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo.

Mashruucan oo ka kooban saddex waji oo is xig xigi doona ayay shaacisay Hay,adda PHA wajigiisii 1aad oo lagu dhisayo masaafo dhan 80 KM Jalam ilaa Xarfo oo ah inta ugu daran burburka guud ahaan soo gaarey wadada isku xirta Garowe iyo Gaalkacyo.

Wajiga 2aad ee mashruucan ayaa lagu dhisayaa inta u dhaxaysa Jalam ilaa Garowe , Halka wajiga saddexaad mashruucan lagu dhisayo Xarfo ilaa Gaalkacyo.

Maamulka Hay,adda Dayactirka Wadooyinka ayaa ugu bishaareeyey shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland dib u dhiska laamigan oo baahi xoog leh ay ka jirtay , Islamarkaana dhisnaa in ka badan 45 sano.

Halkan ka Akhriso baahinta qandaraaska .

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Qandaraaska dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>