Garowe (Puntland post):- Shirkada SCANSOM ayaa ka furtay magaalada Garowe maktabadii ugu horeysay oo laga Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya sida ay sheegeen masuuliyiin u hadlay shirkadda SCANSOM.
Makrtabadan oo ah mid loogu tala-galay dadku inay ka helaan buugaagta xambaarsan cilmiga ayaa munaasabad furitaankeeda loogu sameeyey Garowe waxaa kazoo qayb galay Masuuliyiin ka socota Dowlada Puntland, Siyaasiin, Qurba-jooga,Aqoonyahano,Culimo,Dhalinyarado iyo Haween.
Maamulaha Shirkadda SCANSOM qeybta Garowe Siciid Maxamed Sheikh Xasan ayaa ka warbixiyay ujeedada loo furay maktabadan , wuxuuna sheegey inay tahay mid ku timid baahida dadku u qabeen in la furo goob noocaan oo kale ah.
Waxa uu intaas ku daray Siciid Maxamed Sheikh inay ka kooban tahay maktabadani dhowr qaybood oo kala ah goobta lagu akhristo buugaagta, Goob laga helayo wargeysyadii Soomaaliya, Qeyb daabacda buugaagta,Qeyb lagu caawiyo qorayaasha iyo qeyb lagu iibsho buugaagta.
Sheekh Maxamud Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay munaasabadan ayaa soo dhaweeyey furitaanka maktabadan , wuxuuna ku amaanay shirkadda SCANSOM inay kaalin muhiim ah ka ciyaartay daboolista baahida dadku u qabeen nooca Maktabadan.
Maamulaha shirkada ScanSom Maxamed Sheikh Xasan, ayaa sheegy maktabadaan cusub inay tahay mid kamid ah guulihii ugu waaweyn oo ay shirkadu gaartay, wuxuuna sheegey inay muddo dheer ku haminayeen in Puntland laga furo maktabad laga heli karo buugaagta afka hooyo lagu qoray oo aan dalka weli soo gaarin.
Agaasimaha machadka SIDRA Guuleed Saalax Barre oo kamid ah madaxdii kasoo qeyb gashay xaflada ayaa ku ammaanay ScanSom hirgelinta maxktabadaan,isagoo sheegay inay faa’ido badan u tahay kor uqaadida wax akhriska iyo dhiiri galinta bahda waxbarashada oo had iyo goor u baahan buugaag ka hadlaya Sooyaalka taariikhda Soomaaliya iyo suugaanta.
Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee xiriirka gobolada Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Gurxan ayaa ugu dambayn si rasmi ah xariga uga jaray maktabadaan, wuxuuna sheegay inuu aaminsan yahay reer Puntkand inay si weyn uga faa’idaysan doonaan.
Daawo Sawiradda.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Shirkadda daaba-caada SCANSOM oo maktabad cusub ka furatay Garowe appeared first on Puntland Post.