Wararka naga soo gaaraya Magaalada Caabud Waaq Ee Woqooyiga Gobolka Gal-Gaduud ayaa waxa ay sheegayaan in koox hubeeysan oo Aan heeybtooda lagaran in ay weerar ku qaadeen Goob Ay ku Shirayeen Nabadooda Magaalada Caabud Waaq .
Kooxdaasi hubeeysna Ayaa rasaas qasaare geeystay ku furay Nabadoonada iyaga durbaba Goobtaasi isga baxsaday.
Nabadoonada la dilay ayaa lagu kala magacaaba Allaha u naxariistee
1-Nabadoon, Aadan jaamac Axmed (Aadan Dhooleey)
2. Nabadoon, Maxamed Barre Diini.
Sidoo kale Rasaastaasi Ayaa waxaa ku dhaawacmay Tiro kale oo Nabadoono iyo Dad Shacab ah isugu jira kuwaasi oo Gaaraya ku dhowaad 10 Ruux.
Warbaahinta Puntland Post Ayaa heshay Magacada dadka dhaawacmay Waxaana ay kala ahaayeen:-
NABADOON LA DHAAWACAY
1, Nabadoon, Muuse Geele Bulxan
2, Nabadoon, Mursal Qooryare
DADKA RAYIDKA AH EE RASAASTA LA HUWIYAY
1-Xakaar Maxamuud Xaashi Cigaal
4- Shugri Ilix Soofe
5- Sahro Diiriye Cabdi
6, Siciid Faarax Iljeex
7- Siciid Xasan Barre
8– Mahad Aadan Jiir
9- Haweeya Daahir Juun
PUNTLAND POST
The post Koox hubeysan oo rasaas qasaare geystay ku furay Nabadoono Caabud-Waaq appeared first on Puntland Post.