Ka dib dhacdo shalay ay ku dhinteen dad rayid ah oo dabley hubaysan rasaas ku furtay gudaha degmada Caabud-waaq ee Gobolka Galgaduud ayuu uga jawaabay Wasiiru dowladaha Madaxtooyadda iyo Xiriirka Gobolada Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Gurxan hadal kazoo yeeray gudoomiyaha degmada Caabud-waaq.
Bashiir Abdiraxmaan Gurxan ayaa reer Caabud-waaq iyo guud ahaan Soomaaliya uga tacsiiyey dhacdada galinkii danbe ee lagu laayey dad rayid ah oo ay ku jireen labo nabadoon, wuxuuna cambaareeyey cidda ka danbeysay falkaas.
Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Gobolada Puntland Bashiir Gurxan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadal kazoo yeeray Gudoomiyaha Degmada Caabud-waaq oo ku eedeyey Puntland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia inay ka danbeeyeen falka shalay dhacay.
Gurxan ayaa sheegey inuu yahay hadalka kazoo yeeray Gudoomiyaha Degmada Caabud-waaq mid aan laga fiirsan islamarkaana muujinaya inuu yahay hadal masuuliyad daro ah oo saxaafadda lasoo marsiiyey, wuxuuna ugu baaqay inuu raali galin deg deg ah ka bixiyo Gudoomiyaha Caabud-waaq hadalka kazoo yeeray.
Wuxuu intaas ku daray Wasiiru dowladaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Gobolada Puntland inay tahay eedeyntaasi mid been abuur ah , oo ujeedo fog laga leeyahay , Islamarkaana salka ku haysa cadowtinimo la doonayo in laga dhex abuuro Dowlada Puntland iyo Shacabka ku nool waqooyiga Gobolka Galgaduud.
Dhagayso Gurxan
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Puntland oo ka jawaabtay hadal kasoo yeeray Caabud-waaq appeared first on Puntland Post.