Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Guddiga tayaynta shaqaalaha iyo Shaqaaleysiinta Puntland oo shiray

$
0
0

Maanta oo taarikhdu tahay 08 Sep, 2016 waxaa qabsoomay  shirkii billaha ee guddiga fulinta mashruca tayeeynta iyo shaqaalaysiinta qaybo ka mid ah hay’adaha dowladda ee ka faa’iidaysanaya mashruuca Bangigu Adduunku maal-galinayo  Dowladda Puntland-na ay  fulinayso.

Shirkani waa markii  ee uu qabsoomo waxana looga wada hadlay arrimo aad muhiim u ah oo ay  ka mid yihiin halka uu marayo nidaamkii shaqo qorista, shaqalaysiinta da’yarta ka qallinjabisay Jaamacadaha, tababarka iyo tayaynta shaqalaha Dowladda.

Shirka ayaa waxaa daah-furay agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Jibriil Maxamed  Saalax, waxaa uu tilmaamay in hannaanka shaqaalaysiinta da’yartu uu si wanaagsan u socdo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga Mudane Xuseen Cabdi Jaamac uga  mahadceliyey Madaxda guddiyada ee ka soo qayb-galay shirka, isagoona sheegay ujeedada kulanka iyo waxyaalaha u baahan in laga wada hadlo.

Madaxa guddiga tayaynta iyo xiriirinta mashruuca Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa akhriyey ajandaha shirka isla markaana waxa uu xusay in dhowaan uu furmi doono shirkii Madaxda Sare ee guddiga kaas oo wax badan lagu sii lafo guri doono sidii isla markaana dib loogu jalleeci doono horumarradii la gaarey muddadii uu mashruucu socdey iyo qorshe yaasha cusub ee la higsanayo.

Guddoomiyaha Hay’ada shaqaalaha rayidka ah Mudane Mustafe Siciid Shabac ayaa ka war bixiyey nidaamkii shaqo qorista isagoo sheegay in uu marayo meel aad u wanaagsan, isla markaasna ay ilaa iyo hadda shaqo bilaabeen 27kii qof ee ku guulaystay in ay heelaan fursadaan shaqo (Madaxqaybeedyada HR, Procurement iyo Finance Unit Heads) sidoo kalena ay dhowaan shaqo bilaabi doonaan dadka ku guuleysta Madaxqaybeedyada (M&E, ICT iyo Policy Planing & Research).

Ugu danbayntii, shirka ayaa ku soo idlaaday jawi degan, waxana laysla fahmay waxyalihii laga wada hadlay intii uu kulanku socday.

 

–DHAMMAAN—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

14215677_1150980501633017_1793307087_o 14248095_1150980641633003_2127595832_o 14248123_1150980411633026_1893275576_o 14248137_1150980481633019_1743907105_o 14273380_1150980441633023_275297234_o 14273508_1150980491633018_551003347_o 14274468_1150980431633024_672009386_o 14281405_1150980404966360_123159607_n 14285322_1150980601633007_552181457_o 14285748_1150980578299676_1915010962_o 14303893_1150980654966335_1753799063_o

The post Guddiga tayaynta shaqaalaha iyo Shaqaaleysiinta Puntland oo shiray appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>