Farxaan Cadaawe oo ah Soomaali naafo ah ayaa ka qayb galay tartan naafadda loogu qabtay magaalada Rio ee Dalka Brazil, wuxuuna maanta oo jimco ah ka galay tartankaas kaalinta 5aad ka dib markii uu tartan orad ah kala qeyb galay naafo ka socda wadamo badan oo ku yaala Adduunka.
Farxaan Cadaawe ayaa si weyn usoo dhaweeyey kaalinta uu ka galay tartanka naafada, isagoona sheegey inuu aad ugu farxay.
Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa ka sara maray naafo u ordaysay wadamo badan oo ku yaala Adduunka iyo Qaaradda Yurub
Natiijada uu kasoo hooyay Farxaan tartankan ayaa fashil ku noqonaysa ciyaaryahanadii hore ee Soomaaliya uga qayb gali jiray tartankan, kuwaas oo horey u gali jiray kaalmaha ugu danbeeya adduunka.
PUNTLAND POST
The post Soomaaliya oo kaalin wagaansan ka gashay Orodka Naafadda Adduunka. appeared first on Puntland Post.