Ciidamada Dowlada Federaalka Somalia Ayaa Maanta xiray wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho .
Ciidamadaan oo isugu jiro kuwa Nabadsugid ah Boolis iyo Milatari ayaa Xiray Wadooyinka Makka Al-Mukarama ee Muqdisho oo isku xirto madaxtooyada iyo Garoonka Muqdisho.
Wadooyinka Xiran ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Wadada Sodonka , Wadada Wadnaha iyo Wadada Warshadaha Ee Muqdisho.
Gaadiidka Dadweynaha iyo kuwa Gaarka ah ayaa loo diiday Wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho waxaana Gaadiidku Ay isticmaalayaan Wadooyin Qarda Jeex ah.
Arintaan ayaa waxa ay tahay Sugida amaanka Muqdisho oo Wafuud heer caalami ah ay ku soo wajahantahay kuwaasi oo ka qeeybgalaya Shir madaxeedka IGAD.
Isgooysyada iyo Wadooyinka qaar Magaalada Muqdisho Ayaa waxaa laga maqlayaa oo ka dhaceysa Mararka qaar rasaas ay dadka ku ridayaan Ciidamada Dowlada Somalia.
Dadka Muqdishoa ayaa waxa ay ka cabanayaan Wadooyinkaan Muhiimka ah ee la xiray waxaana nagu soo food leh Maalmaha Cida dadkana waxaa ay sii saadilanayaan in Wadooyinkaan ay sii Xirnaan doonaan.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho
The post Amaanka Magaalada Muqdisho oo Sare loo Qaaday iyo Wadooyinka Muhiimka ah oo Xiran. appeared first on Puntland Post.