Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Beesha Abokor Ciise oo taageertay in Xildhibaankooda loo wareejiyo Kismaayo

$
0
0

Nabadoonada,Waxgaradka,Ganacsatada iyo Haweenka Beesha Bokor Ciise ee Ciise Maxamuud ayaa kulan ku yeesheen Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland ayaa sheegay inay taageersanyihiin kurisigii aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ee beesha in loo wareejiyo deegaanada Jubbaland.

Xubaha shirka ku yeeshay Magaalada Garoowe ayaa sheegay inay si buuxda u taagarsanyihiin inay ka timaado xubinta xildhibaanka ee beesha Jubbaland,iyagoona sheegay inay tixgalinayaan heshiiskii Madatasha iyo Nidaamka 4.5.

Odayaasha iyo waxgaradka ka hadlay Shirka ayaa sheegay hadii wax lagu qaybsanayo qabiil in aysan dhibaato ku jirin in xubinta ay ku leeyihiin aqalka hoose ay ka timaado Garoowe ama Kismaayo beeshuna ay u simantahay.

Ganacsade Jaamac Dhaga-dheere ayaa saxaafada u akhriyey Bayaan kasoo baxay beesha oo lagu taageeray heshiiskii madatashada wadatashiga qaran iyo wax ku doorashada hanaanka 4.5 waxaana ay ayideen in xubinta Xildhibaanka ay iska soo sharaxdo Magaalada Kismaanyo.

Shirkaan ay yeesheen in ka badan 50 xubnood oo kamid ah beesha Obokor Ciise Ciise Maxamuud ayaa kusoo aadaya xili dhawaan qaar kamid ah nabadoonada beesha ay sheegeen inay diidanyihiin xubinta beesha ee loo wareejiyey Kismaanyo,waxaana ay intaa ku dareen inay ka raali galinayaan halkaas Madaxweynaha Puntland.

Halkaan ka dhegeyso shirka jaraa,id.

dsc08322 dsc08323 dsc08324 dsc08325 dsc08326 dsc08327 dsc08328 dsc08329 dsc08332 dsc08334 dsc08337 dsc08338 dsc08339 dsc08345 dsc08346Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Beesha Abokor Ciise oo taageertay in Xildhibaankooda loo wareejiyo Kismaayo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles