Puntland iyo Soomaaliland ayaa maanta la kala wareegay 8 Qof Maxaabiis ah yo Labo -gaari oo ah nooca Looyaqan Noohadda ,kuwaaso Muddo bila ah lagu kala haystay Magaaladaa Garowe ee Gobalka Nugaal iyo Magaalada Burco ee Gobalka Tog-dheer Ka dib Markii labo qoys oo kasoo kala jeeda dadkan arimo hoose isku qabteen.
Gudoomiyaha Gobalka Nugaal ee Puntland Cumar Cabdullaahi Faraweyne oo Warbaahinta kula hadlay Xaduuda Puntland iyo Soomaaliland ee Dadka lagu kala wareejinayay ayaa arin wanaagsan ku tilmaamay kala wareejinta Maxaabiista iyo Baabuurtoodii.
Sidoo kale, Gudoomiyaha Gobala Togdheer ee Somaliland Maxamed Cabdi Qabyo ayaa sheegay in talaabadan dadka shacabka ah ee lagu kala Afduubay Magalooyinka Burco iyo Garowe ay dhibaato dhinaca isu socodka Gaadiidka Rakaabka ee Soomaliland iyo puntland ay keentay blse hadda wixii ka danbeeyay laga gudibidoono.
Dhinica kale, Jaamac Salaad Maxamuud dhaga-dheer oo ka mid ah Odyaashii sida weyn uga shaqeeyay Wada-hadalkii ay labada dhinaca Baabuurta iyo Dadka kula kala-wareegen ayaa labada Maamul ka codsaday in aysan arintaasi dib danbe u so laaban.
Ugu Danbayntii Tallaabadan ay labadan dhinaca Maanta kula kala wareegen Baabuurta iyo Maxaabiista ayaa ku so beegmaysa iyadoo Soomaaliland iyo Puntland-ba ay ka dhaxayso Khalaaf mar mar badan dagaal abuuray oo la xiriira dhinaca Xaduudahooda.
Hoos ka daawo Sawirrada
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Puntland iyo Somaliland oo la kala wareegay Baabuur iyo Maxaabiis appeared first on Puntland Post.