Garowe (Puntland Post):- Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Ahna musharax u taagan xilka Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole oo shir jaraa’id caawa ku qabtay magaalada Garowe ayaa uga hadlay saacadda kursigu kaga egyahay Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cambaareyn uu usoo jeediyey fara-galinta beesha caalamku ku hayso arrimaha dalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegey Dr Faroole laga bilaabo caawa saacadda geeska Afrikada bari markay tahay lix saac oo habeenimo inay kaga egtahay xilka Madaxweynimo Xasan Sheekh Maxamuud islmarkanaa looga baahan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu baneeyo xafiiska maalinta berito ah, madaama ay u dhamaatay afartii sano ee uu dalka maamulayay.
“Xasan Sheikh Maxamuud haddii waagu baryo waxaa loogu yeerayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, sida aniga la iigu yeeraba Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole.
” Afartii sano ee Xasan Sheikh Maxamuud waxay ahayd afar sano oo NGO ah, Afar sano oo bililiqo ah iyo Afar sano khasaaro ah, Sidaas darteed waa inuu xafiiska ku wareejiyo Gudoomiye Jawaari inta laga soo dhisayo Dowlad cusub, ” ayuu yiri Faroole oo intaas ku daray inaysan u dulqaadan doonin waxa uu dalka ka samaynayo Xasan Sheikh.
Dhinaca kale wuxuu si kulul u cambaareeyey Musharax Cabdiraxmaan Faroole xanibaad lagu soo rogay isu socodka gadiidka Muqdisho ,midaas oo uu sheegey inay tahay xadgudub aan la dhayalsan karin, Sidoo kalena wuxuu dhaliilay fara-galinta beesha caalamku ku hayso arrimaha Soomaaliya.
DAAWO SHIRKA JARAA,IID EE DR FAROOLE
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post DAAWO Faroole oo caawa shir jaraa,iid oo xasaasi ah ku qabtay Garowe appeared first on Puntland Post.