Muqdisho(Puntland post)-Waxaa Qilaaf baahsan uu hareeyay shirka madasha wadatashiga qaran ee Muqdisho waxaana isga baxay Qaar kamid ah madaxdii ka qayyb-galeeysay shirkaasi.
Madaxweynaha Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa isga baxay shirkaasi, waxaana Sidoo kale maanta Muqdisho ka duulay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe isga oo u Duulay Magaalada Kismaayo.
Qilaafkaan ayaa yimid kadib markii madaxweynayaasha Maamulada Gal-Mudug iyo koonfur Galbeed ay sheegeen in ay qaadacayaan labada xubnood ee loogu daray Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa ku adkeeystay in la raaco heshiiskii Baydhabo oo ahaa in xubno loogu daray Puntland.
Markii Dambe Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo jeediyay in guud ahaan meesha laga saaro Aqalka Sare ee dalka taasi oo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay diideen.
Madaxweynaha Puntland ayaa hadda wado qorsho uu ugu soo amba bixi lahaa Magaalada Muqdisho islamarkaasina uu u soo duuli lahaa Puntland.
Dhanka kale Beesha caalamka ayaa wada dadaalo ay ku xalinayso Qilaafkaan soo kala dhaxgalay Madaxda Soomaalida.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho
The post Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho oo Fashil ku Dhamaaday . appeared first on Puntland Post.