Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Shir madaxeedka IGAD oo maanta ka furmaya Muqdisho

$
0
0

Muqdisho-(Puntland Post) Shir madaxeedka wadamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD ayaa maanta waxaa uu ka furmi doonaa Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho sida uu qorshuhu yahay .

Waxaana ka qeybgali doonaan madaxweyniyaal iyo wakiilo ka kala socda todobada  wadan ee Ururkaas uu ka kooban yahay oo kala ah Djibouti, Ethiopia, Kenya, Suudaan, Suudaanta koofureed, Uganda iyo Soomaaliya.

Dhanka kale wasiirka Arimaha dibada Somaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay qabsoomida Shirkaan Somaliya inay guul u tahay marka la eego xaalada dalka.

Hadliye, ayaa sidoo kale meesha ka saaray jiritaanka wararka la isla dhexmaraayay oo sheegaya in shirka ay suuragal tahay inuu baaqdo.

Sidoo kale gabi ahaanba saaka waxaanan jirin diyaarado duulimaad rayid ah oo ka soo degaya garoonka Aadan Cadde iyo kuwa ka dhoofaya intaba, waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka garoonka.

Waa markii ugu horeysay oo Soomaaliya martigeliso shir madaxeed tan iyo sanadkii 1974 kol kaas oo magaalada Muqdisho lagu qabtay shirkii madaxweyniyaasha dalalka midowga Afrika.

PUNTLAND POST

The post Shir madaxeedka IGAD oo maanta ka furmaya Muqdisho appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>