Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Jubbaland oo howl-gal kusoo qabtay rag ka tirsan Al-Shabab

$
0
0

rag-la-qabtayKismayo (Puntland Post):- Ciidamada Jubbaland ayaa gacanta ku soo dhigay rag ka tirsan Al-Shabaab iyo hub ay wateen, kadib markii ay dhowaan la wareegeen deegaano dhaca duleedyada magaalada Kismaayo.

Ragga la qabtay ayaa la sheegay inay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen miino dhigista iyo dilalka qorsheysan, sida ay sheegeen Saraakiisha Jubbaland.

Mid ka mid ah ragga la qabtay ayaa la sheegay in ka soo jeedo dalka Itoobiya, waxaana saraakiisha ay sheegeen inay ninkan su’aalo la weydiinayo.

Ciidamada Jubbaland oo ay wehliyaan ciidamada AMISOM ayaa dhowaan howl gallo ballaaran ku qaadan deegaano ku yaala duleedyada Kismaayo.

Howl galkan ayaa loogu magac daray Wabiga Jubba, wuxuuna qorshihiisa yahay in deegaanada Al-Shabaab kaga sugan yihiin Jubbooyinka looga saaro.

PUNTLAND POST

The post Jubbaland oo howl-gal kusoo qabtay rag ka tirsan Al-Shabab appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>