Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Amal-Bank oo dhar iyo xoolo nool gaarsiiyay Xarumaha dhimirka iyo Agoomaha Galkacyo

$
0
0

Shirkada Xawaalada Amal-Bank faraceeda Gaalkacyo ayaa deeq gar gaara oo isugu jirtay dharka ciida oo dhamaytiran iyo xoolo nool gaarsiisay Xarunta Dhimirka Hawaynka iyo xarunta Agoomaha ee magaalada Gaalkacyo.

Cabdulahi Maxamed Cilmi oo ah aas aasihii xarunta dhimirka dumarka haatana gacanta ku haya ayaa Xawaalada Amal-Bank oga mahadceliyay deeqda ay soo gaarsiiyeen iyo sida ay mar walba u garabtaaganyihiin xarunta dhimirka Gaalkacyo.

Maamulaha Shirka Amal-Bank Galkacyo Cabdishakuur (Qureex) ayaa umada somaliyeed ka codsaday in mar walba la garab istaago dadka dhimirka la’a, caruurta agoomaha iyo dhamaan dadka danyarta ah.

Cabdishakuur (Qureex) Maamulka Amal-Bank ayaa balan qaaday in xili walba ay ka qayb qaadandoonan caawinta xarunta dhimirka ,Agoomaha iyo dhamaan kaalmooyinka dadka danyarta ah gaar ahaan farxadgalinta maalmaha ciida.

Madaxa Maaliyada Xarunta Agoomaha Gaalkacyo Cawil Ciise Looyaan ayaa isna ka mahadceliyay xoolaha nool oo ay Amal-Bank soo gaarsiiyay taasoo ay farxada ciidul Adxaaga kula qaybsanayso Agoomaha Xarunta.

“Waxaan bulshada somaliyeed ka codsanaynaa in xili walba ay caawiyaan kana warqabaan Xarunta Agoomaha Galkacyo” ayuu yiri Ciise looyaan.

Shirkadaha Ganacsatada iyo dhamaan bulshada somaliyeed waa inay garab istaagaan dadka danyarta ah sida Xawaalada Amal-Bank oo inta badan ka qaybqaadata gar gaarka danyarta.

dsc02140

 

dsc02145

dsc02139

dsc02138

dsc02150

dsc02153

 

dsc02155

dsc02161

dsc02169

dsc02174

dsc02177

dsc02178

PUNTLAND POST

The post Amal-Bank oo dhar iyo xoolo nool gaarsiiyay Xarumaha dhimirka iyo Agoomaha Galkacyo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>