Al-Shabaab ayaa dhoolatus millateri ku soo bandhigey degmada Galhareeri oo ka tirsan Gobolka Galgaduud halkaasi oo kamid ah degmooyinka ay gacanta ku hayaan.
Al-Shabaab ayaa Ciidamo iyo gaadiidka dagaalka soo bandhigey, kuwaas oo ahaa kuwa badan waxayna taasi muujinaysa in awood ahaan Al-shabaabku weli ay yihiin kuwa Xoogan.
Guddoomiyaha Al-Shabaab ugu qaabilsan gobolka Galgaduud Xasan Yacquub Cali ayaa fagaare ku yaala degmada Galhareeri salaadii ciidul Adxa boqolaal shacab ah khudbad uga jeediyey.
Inta badan dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaalya, AMISOM iyo Al-Shabaab loogama qabsado gaadiid dagaal, taasi oo u sahlaysa sii jiritaanka awoodooda Millateri.
Al-Shabaab ayaa gacanta ku haya hub fara badan oo ay kala baxeen saldhigyada Ciidamada AMISOM ee Janaale, Leego iyo Ceel cadde, kadib markii weeraro culus ay halkaasi ku qaadeen.
Dowladda Federaalka Soomaalya ayaa dhawaan sheegtay in la soo afjari doono dagaalada lagula jiro Al-Shabaab.
PUNTLAND POST
The post Al-Shabaab oo Dhoolatus millateri ku soo bandhigay Degmada Galhareeri ee G/ Galgaduud appeared first on Puntland Post.