Garowe (Puntland Post):- Allaha u naxariistee waxaa galinkii danbe maanta lagu Aasay qabuuraha Sheekh Yaasiin ee magaalada Garowe Caaqil Cabdulaahi Sheekh Maxamed Maxamuud (Faraweyne),ahaa nabadoon caan ka ah deegaanada Puntland gaar ahaan Gobolka Nugaal ka dib markii uu maanta ku geeriyooday magaalada Garowe .
Caaqil Cabdulaahi Awmaxamed Faroole oo la dhashay Madaxweynihii horre ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole , Islamarkaana ah Aabihii dhalay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne waxaa ka qeyb galay Aaskiisa Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland, Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, Issimo,Culimo udiin, Nabadoono,Saraakiil,Saxaafadda iyo Dadweyne aad u fara-badan.
Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne kuxigeenka Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay ayaa uga tacsiyeeyay ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ifka uga tagay Caaqil Cabdulaahi Awmaxamed Maxamud (Faraweyne)

Taariikhda Marxuumka oo kooban.
Marxuum Faraweyne wuxuu ka mid ahaa ragii fara ku tiriska ahaa ee ku tilmaamnaa geesinimada iyo kartida, waxaana lagu xasuustaa dhacdadii 1985tii uu qudha uga jaray libaax ku qaatay duleedka tuulada reemanti ee Gobolka Nugaal , isaga oo adeegsanaya marxuumku labadiisa gacmood oo aanan sidan hub uu kula dagaalamo libaaxa.
Caaqil Cabdulaahi Sheekh Maxamed Maxamuud ayaa ahaa nabadoon caan ka ah deegaanada Puntland gaar ahaan Gobolka Nugaal, Wuxuuna ku dhashay degmada Eyl sanadkii 1947-dii , Isagoona ahaa da,da ku xigtay oo labo sano ka yareyd Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud
Nabadoon Cabdulaahi Maxamed Faraweyne, wuxuu ahaa shaqsi xushmad & ixtiraam badan oo si weyn loogu yaqaan ka shaqeynta danta Bulshada, wuxuu ahaa xaafidul QUR’AN Salaad badan.
Wuxuu ka mid ahaa qaban qaabiyayaashii dhismaha Dowlada Puntland 18 sano ka hor, wuxuu ahaa Abaabulihii isku keenida beelaha Harti, wuxuu ahaa Odoyaashii kaalinta weyn ku lahaa gogol fidintii ugu horeysay shirkii 1998 ee Puntland lagu dhisay, wuxuuna ku bixiyey dhaqaale, wakhti iyo dulqaad badan midnimada Puntland.
Marxuumku waxa uu ifka uga tagay 19 qof oo gaareyso duriyada ay sii dhaleen guud ahaan Boqol iyo Todoba (107) ruux , wuxuuna mudooyinkii danbe ku xanuunsanayey marxuumku hoyga uu ka daganaa magaalada Garowe, halkaas oo uu ku geeriyooday abaaro duhurnimadii maanta.
Ugu danbeyntii Puntland Post waxay uga tacsiyeynaysaa qoyska iyo ehelka uu ka dhintay Marxuum Caaqil Cabdulaahi Faraweyne inuu alle samir iyo imaan ka siiyo, Marxuumkana kitaabkiisa alle ka siiyo midigta iyo janatu fardowsa.
Daawo Aaska Marxuum Faraweyne.
PUNTLAND POST
The post Caaqil Cabdulaahi Faroole oo lagu aasay Garowe appeared first on Puntland Post.