Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa Goordhow lagu Wadaa in uu Gaaro Magaalada Jowhar Ee Xarunta Gobolka Sh/Dhexe.
Masuuliyiin katirsan Madaxtooyada Somalia ayaa Puntland Post u Sheegay in Madaxweynaha iyo Wafdi Balaaran uu hogaaminayo oo Labada Gole Ee Dowlada Somalia ah ay gaari Doonaan Goordhow Magaalada Jowhar .
ujeedka Madaxweynaha Somalia uu u tagayo Magaalada Jowhar ayaa waxaa lagu sheegay in uu Goobjoog ka noqonayo Dhameeystirka Shirka Maamul u sameeynta Gobolada Sh/Dhexe iyo Hiiraa.
Madaxweynaha Ayaa sidoo Kale Goobjoog ka noqon Doono Soo bandhigista Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Loo Sameeynayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe .
Bisha Soo Socoto Ee Octobat ayaa lagu wadaa in la Doorto Sida qorshuhu uu yahay Madaxweyne uu yeelanayo Maamulada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Amaanka Guud Ee Magaalada Jowhar ayaa si aad ah loo adkeeyay Waxaana Goob waliba lagu arkayaa Ciidamo katirsan katirsan kuwo AMISOM iyo Ciidamada Dowlada.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho
The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jowhar ku Wajahan appeared first on Puntland Post.