Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelgaras ee degmada Ceelbuur Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in xalay deegaankaas lagu dilay Gudoomiyihii Al-shabaab u qaabilsanaa deegaankaas oo Lagu magacaabi jirey Faarax Cali Raagge
Gudoomiyaha Degmada Ceel-buur Nuur Xasan Guutaale oo la Hadlay Warbaahinta Gudaha ayaa sheegay in dhalinyaro ka Tirsan kuwa deegaanka Ceel-garas ee degmada Ceelbuur oo u adkeysan waayay dhibaatadiisa Faarax Cali Raagge oo Al-shabaab u qaabilsanaa deegaankaas ay ku Guuleysteen dilkiisa.
Sababta ka dambeysay dilka Gudoomiyihii Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanka Ceelgaras ee degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu sheegay lacag madax furasho ah oo uu ninkaan ka qaatay wiil dhallinyaro ah oo kamid ah dadka deegeenka oo afduub ahaan ay u heysteen Xarakada Al-shabaab.
PUNTLAND POST
The post Gudoomiyihii Al-Shabaab Ee Ceel-Garas oo La Toogtay appeared first on Puntland Post.