Garowe (Puntland Post):- Xaflad si heersare ah loo soo agaasimey ayaa maanta waxaa lagu qabtay jaamacadda Bariga Afrika-Garowe , xafladdaan waxaa ku qalinjabinayey arday tiradoodu tahay 140 arday , oo dhamaystay kulliyadaha kala ah:
Maamulka iyo Maaraynta (Business Administration)
- Kulliyadda Horumarinta bulshada (Community Development)
- Kulliyadda maamulka guud (Public Administration )
- Kulliyadda Shareecada Islaamka
- Kulliyadda Deegaanka (Diploma )
- Kulliyadda Culuumta Computer-ka
Xafladda qalin jabinta ardayda Jaamacadda waxaa kasoo qayb galay madax ay ka mid yihiin Mudane Xuseen Xaaji Yaasiin guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha wakiilada Puntland, wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Proff: Abshir Aw-Yusuf , Wasiir kuxigeenka waxbarashada Dr. Maxamed Cali Faarax, Islaan Ciise Islaan Maxamed, duqa degmada Garowe Xasan Goodir iyo kuwa kale.
Madaxda ayaa ku dheeraatay horumarka ay jaamacaddu tiigsanayso iyo waxa ay bulshada u qabatay, waxayna u rajeeyeen ardayda iyo maamulka Jaamacadda horumar iyo guul.
Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf guddoomiyaha Faraca iyo Sh. Maxamed Cabdullahi Xoosh ayaa sirasmi ah ugu dhawaaqay in ardaydaasi qalin-jabiyeen ayna dhammaystireen dhammaan shuruudihii qalin-jabinta Jaamacadda.
Ardaydan ka qalin jabiyey Jaamacadda ayaa ah dufcaddii afaraad ilaa inta la hirgaliyey faracaan 2009 , tirada guud ee ka qalinj abiyeyna waxay gaarayaan 530 arday, kuwaasoo ka shaqeeya xarumaha dawladda, hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo shirkadaha ganacsiga, halka kuwo kalena ay diyaariyeen shahaadooyinka sarsare ee Master iyo PHD.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post 140 Ardey ah oo ka qalin-jabisay Jaamacadda bariga Afrika ee Garowe appeared first on Puntland Post.