Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gaari Miino kula Qaraxday Gobolka Jubbada Hoose

$
0
0

Wararka laga helayo Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in gaari Dad rayid ah ay saarnaayeen ay miino kula qaraxday inta u dhaxeysa Deegaanka Buulo-Guduud iyo Magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa intaasi ku Sii Daraya in ay Dhinteen Saddex Qof oo Shacab ah  Waxaana Dhaawacmay ku dhowaad 5 kale oo Ahaa dadkii Shacabka ahaa ee Saarnaa gaariga qaraxa haleelay.

Maamulka Isbitaalka Magaalada Kismaayo Ayaa Puntland Post u Xaqiijiyay in Lasoo Gaarsiiyay maydadka 2 Ruux oo ku Dhintay qaraxaasi iyo Dhaawaca 3 kale.

Ilaa iyo iminka war faah faahsan kama soo bixin maamulka Jubbaland oo arintaan ay uga hadlayeen lamana xaqeejin karo in miinada gaariga lagu qarxiyay iyo in wadada uun ay isga aasneyd oo ay kamid ah aheyd haraadiga Hubkii Ay ku Dagaalameen Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Al-Shabaab.

Deegaanka Buulo-gaduud ayaa Qiyaastii Magaalada Kismaayo waxa ay u jirtaa illaa 30km Waxaana halkaasi ku dagaalamayay Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Al-Shabaab.

PUNTLAND POST

The post Gaari Miino kula Qaraxday Gobolka Jubbada Hoose appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>