Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Moqori ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dowlada Somaliya iyo AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya ay halkaasi saakay Waabarigii isga baxeen.
Goob joogayaal lagu kalsoonaan karo ayaa Warbaahinta Puntland Post u sheegay in Ciidamada Itoobiya Gabi Ahaanba ay gaadiidkooda dagaalka iyo Ciidamadoodii ay kala baxeen Gudaha Deegaankaasi.
Sidoo kale waxaa ciidamada Itoobiya Sii raacay Ciidamada Dowlada Somalia ee ku sugnaa Deegaankaasi Moqorkori ee Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Dalka Somalia.
Ciidamo katirsan Al-Shabaab ayaa Gudaha u soo galay Deegaankaasi wax yar uun ka dib markii Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlada ay isga baxee.
Al-Shabaab ayaa u khudbeeyay dadka Deegaankaasi iyaga oo fariisimo ka dhigtay halkii ay ka baxeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlada Somalia.
Lama oga Sababta rasmiga ah ee ka dambeeysa in Ciidamada Itoobiya ay isga baxaan Deegaanka Moqorkori oo ah deegaan Istiraatiiji ah oo Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ah ay ku sugnaayeen.
Maamulka Gobolka Hiiraan wali kama hadlin ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlada Deegaanka Moqokori Ee Gobolka Hiiraan.
Ciidamada AMISOM iyo ku wa dowlada Somaliya ayaa sidan oo kale horey uga baxay deegaano iyo Degmooyin kuyaala gobolada dalka , waxaana goobhaasi ay ka baxeen dib ula wareegay AL-Shabaab oo horey looga saaray.
PUNTLAND POST
The post Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada oo isga baxay deegaan Muhiim Ah Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.