Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha dawladda Puntland oo si diirran loogu soo dhoweeyey Magaalada Garoowe

$
0
0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigii ballaarnaa ee  uu hoggaaminayey ee Puntland uga qayb gelayey shirkii Madasha wadatashiga qaran ee dhowaan kusoo xirmay magaalada Muqdisho ayaa maanta 15 September, 2016-ka soo gaarey magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Konoko kusoo  dhoweeyey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland mudane Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam, Wasiirro, Xildhibaano, maamulka Gobol Nugaal, kan degmada Garoowe, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Soo dhoweyn kadib Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa loo soo gudbiyey qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe, halkaas oo uu Madaxweynuhu kula hadlay qaybaha kala duwan ee warbaahinta isla markaana uga warbixiyey ujeedka safarkiisa uu ugu maqnaa  Muqdisho iyo waxyaabihii uga soo qabsoomay.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay magaalada Muqdisho uga qayb galeen shirkii Madasha wadatashiga qaran, kaas oo looga hadlayey dhammaystirka hannaanka doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona bilaha soo socda.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu xusay in ujeedka ugu weyn ee shirku uu ahaa sidii loo fulin lahaa ama loo hirgelin lahaa qodobadii lagu heshiiyey ee dhabbaha loogu xaadhayey sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorashooyin ay dadka Soomaaliyeed kuwada qanacsan yihiin.

Ugu dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shirkaasi ku tilmaamay mid guul u ahaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed isla markaana waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey hirgelidda qodobadii kasoo baxay shirkaasi.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Halkaan ka dhegeyso Codka Madaxweynaha


img_7119 img_7120 img_7121 img_7122 img_7125 img_7126 img_7130 img_7131 img_7132 img_7134 img_7136 img_7137 img_7139 img_7141 img_7146 img_7148 img_7150 img_7154 img_7160 img_7162 img_7166 img_7168 img_7173 img_7197 img_7205

The post Madaxweynaha dawladda Puntland oo si diirran loogu soo dhoweeyey Magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>