Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Somalia oo Jowhar ka Furay Shirka Maamul u sameeynta Sh/Dhexe&Hiiraan

$
0
0

Puntland Post (Jowhar) Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Jowhar Ee Xarunta Gobolka Sh/Dhexe Ayaa halkaasi ka daahfuray Shirka Maamul u sameeynta Gobolada Sh/Dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Ayaa Qodbad Dheer uu u jeediyay odoyaasha dhaqanka ee shirka ka qeeybgalaya ugu baaqay in ay fududeeyaan dhameeystirka shirkaasi o muddo hakad ku jiray.

Xasan Sheekh Ayaa odoyaasha u sheegay in Aan la la faragalin doonin shirkaasi isga oo been abuur ku tilmaamay in dowlada Somalia ay dan gaar ah kala leedahay Shirkaasi.

Odoyaasha dhaqanka ee Gobolka Hiiraan ayuu ugu baaqay in madasha shirka Jowhar ay yimaadaan islamarkaasina  Ay wax la qeeybsadaan walaalood Sh/Dhexe.

Shirka Jowhar ee Maamulka loogu sameeynayo Gobolada Sh/Dhexe iyo Hiiraan ayaa waxaa hareeyay Qilaaf kadib markii ay diideen odoyaasha dhaqanka Hiiraan ka qeeybgalka Shirkaasi.

shirka-jowhar-2 shirka-jowhar-5 shirka-jowhar-6 shirka-jowhar-8 shirka-jowhar-11 shirka-jowhar-12 shirka-jowhar-14 shirka-jowhar-15 shirka-jowhar-16 shirka-jowhar-17 shirka-jowhar-18

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Somalia oo Jowhar ka Furay Shirka Maamul u sameeynta Sh/Dhexe&Hiiraan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>