Garowe (Puntland Post):- Waxaa dhawaan Jaamacaddaha PSU iyo EAU oo ku yaala magaalada Garowe ka qalinjabiyey Cabdirizaaq Maxamed Xayir,Maxmed Cabdicasiis Cismaan { Dhuub },Faadumo Maxamed Maxamuud {Bisle } iyo Nasro Cabdiriisaaq Axmed oo ah saddexduba wariyaal ka howlgala warbaahinta gudaha caasimada Puntland.
Axmed Cawil Jaamac Agaasimaha guud ee Radio Garowe ayaa u hambalyey ardeyda dhamaystey shahaadada koowad ee jamacadda wuxuuna kula dardarmay inay sii wataan aqontooda si ay ugaaraan hamigooda,waxuu intaasi ku darey iney tahey guul ay gaareen saxaafada Puntland gaar ahaan bahada Radio Garowe.
Axmed Cawil ayaa sheegay inuu u ogaaladey ardaydan inay isku wataan aqoonta ay baranayaan iyo shaqadooda si loo helo wariyaayaal dhan walba ka dhisan taasina ay meesha ka saari doonto in la yiraahdo aqoonta wariyayaasha iskuma dheelitirna.
Gudoomiya uruka suxufiyiinta puntland ee MAP Faysal Khaliif Bare oo dhankiisa u hambalyay wariyaayshan waxuu sheegey inay qiimo wayn ugu fadhido qalin jabinta suxufiyiintan,waxuuna usoo jeediyey wariyayasha inay aqoontooda kor ugu aqadaan xirfadooda shaqo,bulshadoodana ay u iftiimyiyaan waxyaabaha ay tabayaan isla markaan ay sameeyaan waxyaabo dhiiri galinaya bulshada,Faysal ayaa intaasi ku daray in arintan ay dhiiri galin unoqon doonto suxufiyiinta ka shaqeeya warbahinada kale.
Sidoo kale wuxuu umahadceliyay Agaasimaha Radio Garowe Axmed Cawil Jaamac oo qeyb ka qaatey guusha aya gaareen suuxfiyta waxuuna balanqaaday inay si gaara u xusidoonaan Maamulka iyo wariyaaysha ka shaqeeya Radio Garowe.
Ugu danbeyntii si la mid ah maamulka iyo shaqaalaha Puntland Post waxay hambalyo iyo bogaadin midaas la mid ah u dirayaan suxufiyiinta ka qalinjabiyay heerka koowaad ee waxbarashada Jaamacadda, waxayna si guud Puntland Post ugu rajaynaysaa dhamaan warfidiyeenka Soomaaliyeed inay hormuud u noqdaan barashada cilmiga diinta iyo maadigaba.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Madaxda Warbaahinta iyo Ururka MAP oo hambalyo u diray wariyaal qalin-jabiyay appeared first on Puntland Post.