Garowe (Puntland Post):- Maktabada Daabacaada Buugaagta SCANSOM PUBLISHERS ayaa soo badhigtay buugaag cusub oo isugu jira maahmaahyo iyo gabayo uu qoray Gudoomiyaha Scansom Maxamed Shiikh Xasan.
Barnaamijkan oo ka mid noqonaya Barnaamijyo joogto ah oo lagu magacaabo faalada kutubta ayaa munaasabad loo qabtay waxaa kazoo qayb galay dhalinyaro isugu jira wiilal iyo gabdho kuwaas oo su,aalo ku waydiinayey Profiserka maahmaahyada iyo gabayada Soomaalida.
Maxamed Shiikh Xasan Gudoomiyaha SCANSOM publishers ayaa ka sheekeeyey buugaagta uu qoray wuxuuna sheegay inuu ugu talo galay inay ka faa,iidaystaan bulshada Soomaaliyeed waxaana ka mid ah buugaagta goobta lagu soo bandhigay silsilada la yiraahdo gurmad oo ka kooban shan cadad iyo buugaag kale oo ka hadlaya maahmaahyada Soomaalida.
Proferser Maxamed Shiikh Xasan ayaa sheegey inay ugu fara-badan yihiin buugta SCANSOM daabacdo kuwa hadlaya caruurta,dhalinyarada iyo suugaanta.
Maxamed Sheekh ayaa sharaxay buug ka hadlaya marxaladaha ay soo mareen ku gabayada Soomaalidu, wuxuuna sheegey marxalada 1aad inuu ka hadlayo xilligii ka horeeyey 1880-kii ka hor intii aanu gumaystuhu soo galin dalka oo uu sheegey in lagu wada hadli jiray suugaan aad qaali u ah.
Dhagayso Codka Profeser Maxamed Shiikh.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post SCANSOM oo Garowe ka bilowday barnaamij loogu magac daray bandhiga Faalada Kutubta appeared first on Puntland Post.