Garowe (Puntland Post):- Gudoomiyaha Degmada Godob jiraan ee Gobolka Nugaal Yuusuf Geesa-weyne ayaa maanta la wareegey gaari boolis nooca loo yaqaano shabaqlaha oo ka mid ahaa afar baabuur oo loo soo iibshay degmooyinka kala ah Xarfo, Godobjiraan,Isku shuban iyo Degmada Dongoroyo oo dhamaantood ka tirsan Puntland.
Gaariga uu maanta la wareegay maamulka degnmada Godobjiraan ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan laga dhisay magaalada Godob saldhig boolis oo wayn, wuxuuna sheegey Gudoomiye Yuusuf inuu wax weyn gaarigani ka tari doono baahida deegaanka ee sugida arrimaha nabadgalyada.
Waxa uu sheegey Gudoomiyaha Degmada Godobjiraan inay hoosyimaadaan maamulkiisa in ka badan dhowr iyo labaatan tuulo oo u badan xeebo, sida lagu yaqaanana dhulka xeebaha ay ka dhacaan arrimo badan oo ku saabsan amniga , Islamarkaana uu wax weyn ka tari doono gaarigani sugida amnigooda.
Tan iyo Markii loo dhisay Maamul iyo Golle deegaan Degmada Godobjiraan oo ka mid ah degmooyinka cusub ee Puntland waxay ka mid ahayd degmadani kuwa ku talaabsanaya horumar la taaban karo.
Dhagayso Gudoomiye Yuusuf Geesa-weyne
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Maamulka Degmada Godobjiraan oo maanta la wareegay gaari boolis appeared first on Puntland Post.