Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

20 ka mid ah shaqaalaha Puntland oo helay waxabarasho dalka Ethiopia

$
0
0

Garowe (Puntland Post):- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland ayaa maanta shaacisay magacyada 20 qof oo ka mid ah shaqaalaha Wasaaraddaha,Madaxtooyada iyo Maxkamadaha Puntland oo deeq waxbarasho ka helay dalka Itoobiya.

Shaqaalahaan ayaa ku tartamayey 10 kursi oo master ah iyo 10 kursi oo becholar ah waxaana soo codsaday deeqdan 51 qof oo loo qabtay Imtixaan kala saaris ah  , Waxaana ku guulaystay ugu danbeyntii 20 qof oo ka kala tirsan hay,adaha kala duwan ee Dowladda Puntland.

Wasiirka kuxigeenka Wasaaradad Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Dr.Maxamed Cali Faarax ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabka lagu kala saaray shaqaalahan soo codsaday deeqda Waxbarashada.

Axmed Cismaan Axmed oo ka mid ah Hay,adda Bulshada Rayidka ah ayaa ku dhawaaqay magacyada shaqaalaha deeqda ku guulaystay iyo wasaaradaha ay ka kala tirsan yihiin.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Abshir Aw Yuusuf Ciise ayaa hambalyo u diray shaqaalahaan, wuxuuna ugu baaqay in aqoonta loo diray ay uga faa,iideeyaan dadkooda iyo dalkooda.

HALKAN KA AKHRISO:

001 003 004 005

dscn4725 dscn4731 dscn4734 dscn4735 dscn4736 dscn4739 dscn4740 dscn4742 dscn4744Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post 20 ka mid ah shaqaalaha Puntland oo helay waxabarasho dalka Ethiopia appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles