Warar Deg Deg Ah oo Ay Goordhow baahiyeen Warbaahinta Dalka Talyaaniga ayaa waxa ay Sheegayaan in Dooni Ay la socdeen Muhaajiriin Badan oo Soomaali ah ay ku dagtay Xeebaha Dalka Talyaaniga.
Doonidaan oo Siday Muhaajiriin Aad u farabadan ayaa ka soo shiraacatay Dalka Masar waxaana saarnaa dad u badan Soomaali.
Doonidaan ayaa muddo isbuuc Ah la weeysanaa waxaana ugu dambeeyntii saakay la shaaciyay in ay dagtay ama ay quusatay.
Wariye C/raxmaan Qoslaaye la yiraahdo oo ku sugan Dalka Talyaaniga ayaa xaqiijiyay in Warbaahinta Talyaaniga ay qoreeyso in doonidaasi Ay Dhinteen Dhamaan Dadkii Saarnaa maadaama ay qoostay.
Soomaali badan Ayaa naftooda ku waaya xili ay doonayaan in ay galaan Wadamada Yurup iyaga oo mara Saxaraha Qatarta badan iyo Biyaha halista ah.
Hoos ka dhageyso Codka Wariyaha
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post
The post Dooni Soomaali Badan Siday oo ku Dagtay Xeebaha Dalka Talyaaniga appeared first on Puntland Post.