Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo lagu wado in ay furto maxkamada Hague

$
0
0

Muranka u dheexaya soomaliya iyo dalka kenya ee dhanka bada ayaa lagu wadaa in malinta bari ah  ay  maxakamada caalamiga ah ee kutaala the Hague, dalka Holland ay dacwad uga furanto.

Dacwad ayaa sida la rumaysan yahay waxa aya bilaabmaysaa Malinta  Isniinta  ee beri ku beegan  iyadoona socon donta  maalmaha dhowrka ah ee soo socda.  dawlada dalka Kenya ayaa muran ka keentay xarriiqa xadka ee badda labada dal u dhexeeya ayadoo dooneysa in hoos iyo dhanka Soomaaliya loo leexsho meel la siman magaalooyin iyo dhul Soomaaliya kuyaal taasoo Soomaali aad u badan u cuntami la’. |

Haatan ayaa waxaa magaaladaasi the Hague ee Holland kusii qulqulaya abukaateyaal badan iyo wafuud doonaya inay ka qeyb qaataan dooda dacwada iyo dhageysigeeda.

Kenya ayaa ku andacooneysa in halkaasi la isku hayo ay qeyb ka tahay badda inta xeerarka caalamiga ahi u ogol yihiin inay  ka kalluumeysato amaba macdan iyo shidaal ka qodato

Lama oga halka ay sal dhigan donto Muranka u dhaxeeya soomaliya iyo dalka kenya ee dhanka badda Soomali badan ayaa u dhag taagaysa natijada ka soo bixi doonta Maxkamada Hague.

 

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST

The post Muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo lagu wado in ay furto maxkamada Hague appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles