Wararka ka imaanaya degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Diyaarad qaad siday ay saaka shil ku gashay garoonka diyaaradaha degmadaas, xilli ay caga-dhiganeysay.
Sida ay soo warisay Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA diyaaradan ayaa cilad ku timid, kadib markii ay ka baxday dhabbaha garoonka.
Wararka ayaa sheegaya in aanay jirin wax khasaare nafeed, waxaana goobta diyaarada shilka ku gashay ku sugan ciidamada maamulka Koofur Galbeed iyo kuwa AMISOM.
Garoonka degmada Bardaale oo ah garoon macmal ah ayaa maalin walba waxaa ka dega diyaarado Qaad ka keena dalka Kenya.
Sidoo kale waxaa garoonkan isticmaala Ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya, halkaasoo sahayda uga soo dego.
Degmada Bardaale oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Baay ayaa ah degmooyinka ay gacanta ku hayaan maamulka Koofur Galbeed, inkastoo jidadka soo gala degmadaas ay yihiin kuwo ay Gacanta ugu jareen Al-Shabaab.
13-kii bishan ayay aheyd markii dowladda Federaalka ay fasaxday Qaadka laga keeno dalka Kenya, kadib markii muddo todobaad ah ay xayiraad ku soo rogtay.
CABDIQANI BOOS
PUNTLAND POST
The post Mid ka mid ah diyaaradaha Qaadka keena oo shil ku gashay degaanka Bardaale appeared first on Puntland Post.