
Dongoroyo (Puntland Post):- Waxaa laga dareemayaa magaalada Dongoroyo oo ka tirsan Gobolka Nugaal qaban qaabada loogu jiro soo dhisida gollaha deegaanka iyo maamulka degmada Dongoroyo ka dib markii lagu guulaystay in xal laga gaaro khilaafkii dhawaan dib u dhaca ku keenay dhismaha gollaha deegaanka degmadaaas.
Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Dowladaha Hoose iyo Maamulka Gobolka Nugaal ayaa u xaqiijiyey Puntland Post doorashada maamulka degmada Dongoroyo oo la filayo inay qabsoonto maalinta talaadada soo socota, waxaana lagu wadaa inuu ka qayb galo wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
Waxaa ku tartamaya doorashada Dongoroyo labo musharax oo midkood uu yahay Gudoomiyaha Degmada iyo Musharax kale oo horey gudoomiye uga soo noqday maamulka isla Degmada Dongoroyo ee Gobolka Nugaal.
Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Xubno uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga Axmed Cilmi Cismaan Karaash , Xildhibaano, Maamulka Gobolka Nugaal iyo Marti sharaf kale ayaa qorshuhu yahay inay goob joog talaadada soo socota u noqdaan talaadada doorashada ka dhacaysa Dongoroyo.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Doorashada maamulka degmada Dongoroyo oo qabsoomaysa talaadada appeared first on Puntland Post.