Wasiirka Amniga gudaha dawladda Federalka ee Soomaaliya C/risaq Cumar Maxamed ayaa been abuur ku tilmaamay in uu ku howlan yahay sidii uu xilkaas isaga casili lahaa, uuna u noqon lahaa musharax u taagan qabashada xilka Madaxweyne ee maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Wasiirka ayaa u xaqiijiyey warbaahinta dowladda in sidoo kale aysan waxba ka jirin warar dhawaan ay daabaceen warbaahinta gudaha qaarkeed.
“ Waa dacaayad, waana been aan sal iyo raad toona lahayn inaan is casilayo, musharax u taagan in uu qabto xilka madaxtinimo ee muumulka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe-na ma ahi, mana danaynayo hadda, wax aan jirin oo xaqiiqda ka fog bay qoreen”, ayuu yiri wasiirku.
Maalmihii la soo dhaafay yaa warbaahinta qaar iyo baraha bulshadaba ay qorayeen warar sheegaya in Wasiirka uu xilka wasiirnimo iska casilayo, uuna doonayo in uu isu sharaxo xilka madaxweynaha maamulka aan weli la dhisin ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
PUNTLAND POST
The post Wasiirka Amniga Somaliya oo beeniyay in uu iscasilayo appeared first on Puntland Post.